Xiisad ka taagan miyiga Nugaal

Sawir hore – Miyiga Nugaal

Xiisad sababtay gacan ka hadal ayaa ka taagan miyiga gobolka Nugaal, taas oo u dhexaysa ganacsato iyo dadka miyiga.

Xiisadan ayaa hadda ka taagan deegaanka Shinbiraalay oo qiyaastii 45 killo mitir u jirta magaalada Garowe, waxayna ka dhalatay dhul xirmeysi ay sameeyeen ganacsato, taas oo sababtay in reer miyi isa soo abaabulay ay weeraraan meel laga qodayay ceel biyood loogu talagalay dhulkaas.

Weerarka reer miyiga ayaa sababay khasaare hantiyeed, kadib markii waxyeello soo gaartay Riigii qodayay ceelka oo ay ku dhacday rasaas.

Deegaankaas waxaa hadda isku hor-fadhiga reer miyi hubaysan oo meelo badan isaga yimi iyo maleeshiyo ay la yimaadeen ganacsatadii dhulka xirmeysatay, waxaana laga cabsi qabaa dagaal dhexmara labada dhinac, sida uu PUNTLAND POST u xaqiijiyay mid kamid waxgaradka deegaanka.

Maamulka Puntland ayaa ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadin arrintan, waxaana ku jira odayaal dhaqameed aan wali xal ka gaarin.

Dhul daaqsimeedka gobalka Nugaal, gaar ahaan dooxada Nugaal waxaa sanadihii dambe fara ba’an ku hayay ganacsato, siyaasiyiin iyo qaar kamida dadka ugu jeebka roon magaalada Garowe, kuwaas oo xirtay dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn oo la sheego in ay ka sameeyaan dhaqaale.

Dadkan ayaa qaarkood sheegaan in dhulkan ka hirgelin doonaan mashaariic muhiim ah sida maxjaro iyo beero, balse dadka deegaanka ayaa u arka arin beena oo qiil looga dhigayo xalaalaysiga dhul daaqsimeedka xooluhu daaqaan oo larabo in dhaqaale laga sameeyo, sida ay sanadkii hore PUNTLAND POST u sheegeen odayaasha miyiga.

Dhul xirmeysiga ayaa carqabad ku ah xoolaha oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay umadda Soomaaliyeed ku tiirsan tahay.

PUNTLAND POST