Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku suganaa Magaalada Jabuuti ayaa Goordhow u duulay Dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa waxaa uu ka qayb geli doonaa kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part,  shirkaasi oo dhici doono Bari 18-ka Augost.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir aad u wanaagsan waxaana uu Madaxweyne Farmaajo kulan la qaadan Doonaa Madaxweyne Erdoğan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmi doono Madax kala duwan kuwaasi oo ka qeeybgali doono shirkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post