Hay’adaha Dawlada Somalia oo lagu amray in ay dhaqan-geliyaan sharciga iibka Qaranka

Muqdisho (PP) ─ Xukuummadda Somalia, ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

“Kulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaarahuba ay ugu dhaqmaan. Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaruhu ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud.

Wasaaradda maaliyadda ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iika qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga iyada oo warbixnno laga dhagaystay wasiirrada difaaca iyo amniga gudaha kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu danbeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo.

PUNTLAND POST