Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Djabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Dalka Jabuuti.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Caasimada Djabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaadan doono Dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.

Agaasimaha warfaafinta Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Labada madaxweyne ay yeelan doonaan Xireerka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarka madaxweynaha ee Jabuuti ayaa waxaa soo da dajiyay kadib markii dhowaan Dowlada Jabuuti ay aad uga xumaatay Booqasho Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho