Jubbaland oo soo Musaafurineyso Saraakiil ciidan

Shalay galinkii dambe waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo lagu xiray Taliyaal Dowlada Soomaaliya ay ku soo magacowday deegaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa xertay Taliye Cali Mire Ducaale oo ah Taliyaha nabadsugida oo Dowlada Soomaaliya u magacoday Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Jubbaland ayaa sheegtay in magacaabista saraakiishaasi aan lagala tashan iyada oo ku xeray xabsiga garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay dib ugu celin doonaan saraakiishaan magaalada Muqdisho.

13-kii July ee isla sanadkaan ayey aheyd markii Jubbaland ay garoonka Kismaayo ka cilisay Taliyihii guutada 43-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post