Ilhaan Cumar, Hodan Maxamed iyo Maxamuud Nuur oo ku guuleeystay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Doorasho ka dhacday xalay Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku guuleeystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ilhaan Cumar ayaa ku soo baxday is reeb reebka Xisbiga golaha Congress-ka ama Aqalka Dalka Mareykanka, halka Hodan Xasan iyana ay  ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo isna ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar ayaa doorashada waxa ay ka heshay codad gaaraya 59,322 oo ka dhigan 48.1%, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay guushaan ay gaartay iyada oo boqolaal Soomaaliya la hadashay ayey sheegtay in guusheeda ay sabab u yihiin Soomaalida Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa Doorashada ugu dambeeysay ee Senator-nimada ah waxa ay gali doontaa 6-Bisha November ee sanadkaan waxaana ay la tartami doontaa cidii ka soo baxda Xisbiga Republican-ka dalka Mareykanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post