Akhriso: Baarlamaanka Puntland oo soo saaray Lifaaqa 4-aad ee dastuurka

Guddoonka baarlamaanka Puntland

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland, kadib markii shalay ay caddeeyeen in aysan xilligaan Puntland ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Wakiillada Puntland oo cuskanaya qodobada 7-aad, 60-aad, 64-aad iyo 68-aad ee dastuurka Puntland waxay soo saareen Lifaaga 4-aad ee dastuurka Puntland oo ka kooban 8 qodob oo u qoran sidatan.

1- In la soo xulo xubnihii Golaha Wakiillada ee bedeli lahaa Golaha hadda jira ka hor dhammaadka xil-hayntooda oo ku eg 31/12/2018.

2- Xubnaha Golaha Wakiilladu waxay ku imaanayaan hab-beeleedkii lagu soo xuli jiray Golaha Wakiillada mudadii ay Puntland jirtay.

3- Shuruudaha ka mid noqoshada xubnaha Golaha Wakiillada ee la soo xulayo waa kuwa ku xusan qodobka 61-aad ee dastuurka Puntland.

4- Golaha Wakiillada ee cusub ee ku xusan qodobka 3-aad ee lifaagan waxay iska dhex dooranayaan Guddoomiyaha iyo labada ku xigeen, sidoo kale waxay dooranayaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland 08/01/2019, waxay kaloo fulinayaan waajibaadka kale ee dastuurku farayo.

5- Haddii xubin ama ka badan oo ka mid ah Golaha Wakiillada banayso/baneeyaan xilkooda ka hor dhammaadka mudada xil-hayntooda, waxaa soo bedelaysa beeshii soo xushay muddo 30 (soddan) maalmood gudahood ah, iyadoo la raacayo habka lagu soo xulay xubnaha Golaha

6- Barnaamijka geedi-socodka ee Puntand waxaa sii wadaya Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland ee’hadda jira si aanay u dhicin hakad gala geedi-socodka dimugraadiyeynta ee socda.

7- Golayaasha deegaanka ee DPL waxaa lagu soo xulayaa hab la mid ah kan baarlamaanka oo heer degmo ah, waxaana lagu dhaqayaa qodobada dastuurka ee khuseeya iyo xeerka Golayaasha deegaanka inta laga hirgalinayo doorashada Golayaasha deegaanka nidaamka asxaabta badan ee soo socda.

8- Waxaa si ku meel gaar ah loo laalay qawaaniinta iyo xeerarka ka hor-imanaya ama aan la socon karin Lifaaqan oo aysan suuragal ahayn in hadda la fuliyo.

Qodobka kowaad ee Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland ayaa dhigaya in baarlamaanka hadda jira xil-hayntooda ku eg 31/12/2018, wuxuuna ka hor-imanayaa kuwii 2008 iyo 2013 oo baaralamaankii xiliyadaas la kala diray 31 Oktoobar.

Hoos ka akhriso Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland

PUNTLAND POST