Soomaaliya oo dhex-dhexaadinaysa Eritrea iyo Jabuuti

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay sidii  ay u dhex-dhexaadin la hayd dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta gudaha ee Muqdsho ayaa ka hadlay walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan baaqii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaalo iyo saaxiiba la ah Soomaaliya, isla marakaana war-saxaafadeed hal mar soo baxa uu ka weyn yahay xiriirka labada Dal.

Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo markii uu tagey Asmara uu kala hadlay waxa ay ka tabanayaan Jabuuti, wuxuuna intaas ku daray in hadda ay socdaan daallo ay ku howlan yihiin madaxda ugu sareysa dalka oo ah sidii loo dhamayn lahaa khilaaf labada laba Dal.

Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea waxaa dhextaalo xiisad ka dhalatay muran xuduudeed ay ku muransan yihiin labada Dal, waxaana dagaal dhexmaray sanadkii 2008-dii.

Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa 20-kii sano ee ugu dambeeyay lahaa xiriir wanaagsan, waxaana Soomaaliya jooga ciidamo Jubuutiyaan ah oo ka tirsan AMISOM, halka Eritrea iyo Soomaaliya uu hadda u bilowday xiriir diblomaasiyadeed oo cusub.

Wafdi ka socda dalka Eritrea oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibada dalkaaas ayaa  shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

PUNTLAND POST