Wasiirka Arrimaha Dibadda Ertirea oo soo gaaray Muqdisho, kulana la qaatay Khayre

Muqdisho (PP) ─ Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaba Dibadda ee dalka Eritrea, Cusmaan Saalax oo uu ka mid yahay la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Eritrea oo lagu magacaabo Yemane Ghebreab ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo kulammo la leh madaxda dalka.

Wararka ayaa sheegayain wafdigan ay hordhac u yihiin booqasho la filayo inuu madaxweynaha Eritrea Issaise Afwerki ku yimaado Muqdisho, waxaana wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka xubno uu hoggaaminayo RW Somalia, Xasan Cali Khayre.

Xubnaha Wafdiga ayaa Waxay kulammo la qaateen Ra’iisul Wasaare Khayre, iyagoo kala hadlay xiriirka labada waddan, iyadoo boqoashadan ay daba-socotaa booqasho uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan ku tagay dalka Eritrea.

Sidoo kale, Wafdigan ka socda dalka Eritrea ayaa waxay noqonayaa wafdigii ugu horreeyay oo ka socda dalkaas oo soo gaara Muqdisho, inkastoo dalkan oo ku yaalla Geeska Afrika lagu eedeyn jiray inuu taago kooxda Al-shabaab.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa inuu kala hadlo booqashada la filayo inuu Muqdihso ku yimaado madaxweynaha Eritrea.

Ugu dambeyn, Wixii kasoo baxa kulammada socda waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee Puntland Post.

PUNTLAND POST