Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliilay Wasaarada Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan

Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta la kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada dastuurka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay shaqada dastuurka.

kulanka ayaa waxaa loogu hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo Wasaarada dastuurka.

Wasaarada dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanku socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada dastuurka ee xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaarada dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo dastuurka.

Xubnaha Guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in warbixinta ay maanta siisay Wasaarada dastuurka aysan ahayn mid lagu ku qanci karo ama la aqbali karo in howsha dib u eegista dastuurku ay sidaas ku sii socoto.

“Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad maanta na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, waxa rabnaa inad la timaadaan qorshe cad, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Guddiga joogtada ee Golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

PUNTLAND POST