Garowe oo la keenay nin falal amni daro lagu tuhmayo oo laga soo qabtey Baadiye

Qaar ka mid ah shacabka Gobolka Nugaal ayaa ku wareejiyay gacanta Hay,addaha Amniga Puntland nin kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi ee Somaliland oo lagu tuhmayo falal amni daro oo looga shaki qabo inuu ka sameeyo  deegaano ka tirsan tuulooyinka Yoombeys iyo Xasbahale ee Gobolka Nugaal sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah odoyaal iyo waxgarad Ninkaan ku wareejiyay Hay,addaha Amniga.

Ninka la qabtey ayaa wararku sheegayaan tuhunkiisu inuu ku yimid dhawr arrimood ka dib markey uga shakiyeen dadka deegaanadaas, waxaana ka mid ahaa isagoo weydiiyay ama ka codsadey qaar ka mid ah  dadka tuulladda Yoombeys inay u sheegaan ama u tilmaamaan goobta laga heli karo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo warar madax banaan sheegayaan maalmo ka hor inuu gaarey halkaas.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha amniga Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST inuu jiro hub lagu qabtey ninkaan gaar ahaan bistoolad uu sitay, taasna ay ka mid ahayd sababaha dhaliyay tuhunkiisa ninkaan oo heybtiisu kasoo jeedo beelaha Gobolladda Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Waxay intaas ku dareen saraakiishu inuu socdo baaritaan la xidhiidha tuhunka shaqsigaan laga soo qabtey baadiyaha fog ee hawdka Gobolka Nugaal islamarkaana aysan dooneyn inay ka hordhacaan xogta baadhitaankooda.

Ugu dambeyn qeybo badan oo ka tirsan shacabka caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa si weyn u hadal haya qabashada ninkaan oo warar horudhac ah sheegayaan inuusan qiran ilaa iyo hadda arrimo la xiriira falal amni daro balse kaliya uu ku doodayo inuu ahaa shaqsi shaqo tag ah.

PUNTLAND POST