Diyaarado duqeyn culus ka geystay Shabeellaha Hoose

Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dyaarado dagaal oo aan la garaanyn dalka iska leh ay duqeymo ka geysteen, iyagoo beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in duqeyntan lala beegsaday Al-shabaab, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyntan oo ahayd mid culus.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Leego ayaa sheegay inay maqleen hub aad u culus oo ku dhacaya qaybo ka mid ah deegaaka, laguna weeraray Al-shabaab oo xarumo ciidan ku leh deegaankaas.

Xarumaha Al-shabaab ee la weeraray ayaa la sheegay inay ka mid tahay bar-koontarool oo ay Al-shabaab ku lahaayeen mid ka mid ah irridaha laga galo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Duqeynta waxaa lala beegsaday goobo ay Al-shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalla deegaanka Leego, ma garanayno khasaaraha ay geysteen weli, balse waxaa socda baaritaanno aan doonayno inaan ku ogaanno khaasaraha inta uu le’eg yahay,” ayuu yiri sakaal ka tirsan maamulka gobolkaas.

Sidoo kale, Inkastoo aan la garanayn diyaaradaha duqeynta la beegsaday Al-shabaab, ayaa haddana inta badan waxaa duqeymaha noocan oo kale ah geysta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku leeyahay.

Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeytan lala beegsaday maanta iyo khasaaraha ay geysteen, waxaase tani ay qayb ka noqonaysaa duqeymo is-daba-joog ah oo dhawaanahan lala beeganayay Al-shabaab, kuwasoo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Somalia, inkastoo ay ciidamada Dowladda Somalia, kuwa AMISOM iyo kuwa kale ee Somalia ku sugan ay wadaan qorshayaal ay doonayaan inay kaga saaraan deegaannadaas.

PUNTLAND POST