Puntland oo meel adag ka istaagtay wada-hadalka Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) oo wareysi siinayey telefishinka RTN  ayaa meel adag ka istaagay wada-hadalka ay IGAD dhexdhexaadinayso ee la sheegay in lagu xallinayo colaadda Tukaraq.

Cabdixakiin Camey wuxuu sheegay in aan dagaalka Tukaraq istaagi doonin inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin taako kamid ah xuduudaha Puntland,isagoo caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifkoodii ku aaddanaa xoraynta degaannada ay Somaliland ka haysato Puntland.

“Dagaalkani isma taagayo, sidaan horeba u sheegay,maba qarsadaba dee anigu,Ibraahim inta taako dhulkaas ah lagu jiro dagaalkan ma istaagayo”ayuu yiri Camey isagoo raaciyay”Muuse iyadoo dhulkii laga qabsaday iyo dadkii oo ka dhintay iyo in uu guuro oo dhulkii banneeyo wax ka dhexeeya ma jiraan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay in nabadda laga raadinayo colaadda Tukaraq ay tahay mid qoor-qabasho ah ee aysan ku imaan hannaankii loo baahnaa,sidaasi darteedna marnaba aan la aqbali karin.

Dabeecadeyada Puntland maaha marnaba in aan nabad diidno,laakiin waxan kuu sheegayaa nabadgelyo qoor-qabasho ah,dadkaan asalna uma laha,dhaqanna uma laha,weligeedna ma dhicin horena uma dhicin gadaalna uma dhici doonto”ayuu yiri Camey.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku jees-jeesay xubnaha Beesha caalamka ee dhexdhexaadinta ka wada colaadda Puntland iyo Somaliland,isagoo yiri”waxaan kuu hubaa wax badan oo la soo kordhiyay in aanay jirin. Hawshu waa soconaysaa,iyana habeen-dhaxooda ha iska qaateen”.

Hadalka Camey ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Beesha caalamku ay dhexdhexaadinayso colaadda Puntland iyo Somaliland ee degaaanka Tukaraq,si aan mar kale dagaallo halkaasi uga dhicin.

PUNTLAND POST