Wasiir Cawad oo faah faahiyay taageerada Soomaaliya ee Sucuudiga

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Dr Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahiyay taageerada ay dowlada Soomaaliya u muujisay Sucuudiga.

Wasiir Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku saxantahay taageerada ay siisay Sucuudiga.

“Waa run waa ku taageernay dowladda Sacuudiga in arrimiheeda gudaha la faragelin oo la ixtiraamo sida aan ugu taageeri laheyn dalka Canada in arrimaheeda gudaha la faragelin, mowqifka dowladda waa mid waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka adduunka u yaalla, Sacuudiga waa dal walaalo nahay, wax badanna naga dhaxeeyaan marka inaan ku taageerno arrimahooda gudaha in aan la faragelin ceeb ma ahan, sidoo kale Canada waa dal aan saaxibo nahay, oo aan aad u qadarino” ayuu Wasiir Cawad.

Xurguf siyaasadeed ayaa soo kala dhexgashay Wadamada Sucuudiga iyo Canada taasi oo salka ku heeyso eedeeyn Canada ay u jeedisay Sucuudiga oo ah in Sucuudiga uu ku dhaqaaqay Falal lid ku ah Xuquuqda Bini aadamka taasi oo sucuudiga uu si aad ah uga xumaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho