Puntland: Guddi la kala diray oo xeer loo samaynayo

Shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay,madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa looga dooday xeerka guddiga shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Xeerka maanta ay ka doodeen Golaha xukuumadda Puntland ayaa qeexaya,tayada,tirada,xirfadda iyo mas’uuliyadda guddiga shaqaalaha rayidka ah ee Puntland,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirkaasi.

19 bishii July ee tan ka horreesay, ayaa Baarlamanka Puntland kala diray guddigii shaqaalaha rayidka ah ee dowladda,kadib markii lagu eedeeyay in ay eex iyo musuq maasuq ku sameeyeen habka shaqaalaysiinta oo dadweynuhu cabasho ka muujiyeen.

Sidoo kale Baarlamanka ayaa shaqadii guddigaasi hoos geeyay wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo haatan dowladda wakiil uga ah nidaamka shaqaalaysiinta,gaar ahaanna fursadaha uu bixiyo Bankiga Adduunka.

Xeerkan maanka ay ka doodeen Golaha xukuumadda Puntland ee ku saabsan mas’uuliyadda guddiga shaqaalaha rayidka ah ayaa ansixintiisa loo ballamay kulanka xiga ee Golaha oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar