Puntland oo Go,aan ka gaartey labo Urur oo magac isku qabsadey

Qoraal kasoo baxday Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland ayaa lagu kala saarey labo urur oo wadaniya ka dib markey isku mid ka noqdeen magacyadda Ururadooda, waxayna arrintoodu gaartey heer ah inay soo dhexgalaan Hay,adda ku shaqada leh iyo Maxkamadda sarre ee Puntland.

Go,aanka Wasaaradda ayaa daba socda Xukun kasoo baxay Maxkamadda sarre Puntland oo looga dalbadey Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland inay kala saarto labada Urur, waxayna go,aamisay wasaaraddu lahaanshaha magaca ururka Himillo Relief and Development Organization hadda ka dib inuu lahaan doono ,Islamarkaana la baabiyo gabi ahaan-ba ururkii kale ee magaciisa la oran jirey Himilo Organization For Development.

Deegaanada Soomaalida waxaa kusoo badanaya Ururo samafal iyo Shirkaddo ganacsi oo aanu jirin wax farqi ah oo u dhaxeeya magacyadda ay isticmaalayaan, waxaana inta badan ka dhasha jahwareer iyo isqabqabsi.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baahisay 19 July ee sanadkaan warbixin ku saabsan cabasho ay ka gudbisay Shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq General Trading urur si sharci daro ah u isticmaalaya magaca shirkaddu ay iska leedahay, Halkan riix si aad uga akhrisatid.

Akhriso qoraalka Wasaaradda Qorsheynta Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST