Oromo lagu dilay dalka Soomaaliya

Maydka labo nin oo Oromo ah ayaa la keenay cusbitaalka Dowladda ee magaaladda Bosaso sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka.

Labadaan nin ayaa mid ka mid ah waxaa laga soo helay meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha Boosaaso, isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad la ii sheegay in lagu dilay xarun ama xafiis ay maamulaan dadka ka ganacsada tahriibta.

Da,da labadaan nin ayaa qiyaastii u dhaxaysa 20 sano jiro.

Xiisada ka jirta dalka Itoobiya ee u dhaxaysa Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromadda ayaa u muuqata mid ku faafeysa Gobolka,Iyadoona dhawaan Dowladda Jabuuti ay kala baxdey dalka Itoobiya muwaadiniinteeda ka dib markii la dilay muwaadin u dhashay dalkaas.

Dhacdadaan ayaa noqonaysa middii labaad oo todobaadkan gudihiisa ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirrane
PUNTLAND POST