Musharaxiin iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulmay, maxay kawada hadleen?

Musharaxiin iyo Guddooyaha baarlamaanka Puntland

Musharaxiin u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019 ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa waxaa Guddomiyaha la qaatay Saddexda Musharax ee kala ah Cabdi Faarax Juxa, Khaliif Ciise Mudan iyo Cali Xaaji Warsame waxayna kawada hadleen arimo la xiriira doorashada Puntland 2019, sida uu xaqiijiyay Cabdi Faarax Juxa.

Cabdi Faarax Juxa waxa uu sheegay in ay kawada hadleen Guddiga khilaafaadka ee soo xulida baarlamaanka, wakhtiga doorashada ee 8-da Janaayo 2019, amniga guud ee xiliga doorashada, abuurida jawi ku haboon doorashada iyo doorka baarlamaanka.

Sidoo kale Juxa wuxuu intaas ku daray in arrimaha ay kawada hadleen musharaxiinta iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ay qaar kamid ah isla garteen.

Dhanka kale Juxa ayaa sheegay in kulankan qorshuhu ahaa in ay ku weheliso Jamiilo Muuse oo kamid ah musharaxiinta Puntland ee doorashada 2019 oo uga baaqatay arrin ku timid darteed, balse ay ku wehelinaysay mowqifka.

Arrinta khilaafka badan ka dhalisa doorashooyinka madaxtinimada Puntland ayaa ah Guddiga khilaafaadka doorashada oo ah kuwa kala saara xubnaha baarlamaanka ee ay soo xulaan Odayaasha dhaqanku.

Gudiga khilaafaadka oo ah 7 xubnood waxaa magacaaba Madaxweynaha taladda kasii degaya, taas oo ay gaashaanka u daruuri jireen murashixiintu iyadoo ku andacoonaya in ay qaar kamid ah musharaxiintu magacaabaan, balse is jiid-jiid dheer kadib waxaa lagu qanci jiray tan Madaxweynaha talada ka dagaya.

Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in hadda qaar kamida xubnaha baarlamaanka Puntland ay orod ugu jiraan sidii ay iyagu usoo magacaabi lahaayeen qaar kamida Gudiga khilaafaadka doorashada, iyagoo raadinaya qorshe cusub oo ay rabaan inay mar kale kusoo laabtaan.

Sida ku cad dastuurka Puntland waxaa lagu wadaa in baarlamaanka hada jira ee Puntland si rasmiya loo kala diro bisha Oktoobar ee sanadkan 2018, wixii xiligaa ka danbeeyana la diyaariyo baarlamaanka cusub.

Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 8 Janaayo 2019, sida uu horey dhowr jeer u sheegay Madaxweyne Gaas.

PUNTLAND POST