Al-shabaab oo la sheegay inay Qabsanayso Somalia haddii ay baxaan Ciidanka AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Wargeys lagu magacaabo Foreign policy ayaa warbixin uu ka qoray Somalia ku sheegay in haddii ay dalka ka baxaan ciidanka AMISOM ay Al-shabaab sida ugu dhaqsiyo badan ula wareegayso awoodda guud ee Somalia.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Soomaaliya aysan lahayn ciidammo sugi kara amniga guud ee dalka haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika, waxaana  sidoo kale warbixinta lagu xusay in ciidamada AMISOM oo ka socda Dalalka; Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi aysan wax la taaban karo ka qaban Soomaaliya 10-kii sano ee ay joogeen.

“Soomaaliya waa sidii adigoo nadiifiniya Doofaar, waad nadiifineysaa isagana wuu sii wasaqoobayaa,” ayuu yiri sarkaal u dhashay dalka Uganda oo si gaar ah ula hadlay wargeyska Foreign Policy, wuxuuna is-bar-bar-dhigay Somalia iyo Afghanistan. Isagoo sheegay in sida Talibaan ay awoodda dalkaas sida ugu dhaqso badan ugula wareegayaan haddii ay ciidamada NATO baxaan, ayay Somalia ula wareegayaan Al-shabaab haddii ay AMISOM ka baxdo.

Qoraal wargeyska ayaa lagu xusay in Somalia ay ku sugan yihiin saraakiil badan oo tababarayaal ah, kuwaasoo ka kala socda Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga iyo dalal kale, balse aan horumar laga sameyn dhismaha ciidanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in haddii si dhab ah loo dhiso ay si aad ah uga tayo badnaan lahaayeen kuwa ajaanibta ah ee dalka ku sugan.

“Ciidamada Qaranka Somalia waxay noqon karaan kuwa  aad wax-tar u leh,” ayuu yiri khabiir ajnabi ah oo kasoo shaqeeyay in ka badan 20 dal, haatanna la-taliye u ah Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

Wargeyska Foreign Policy oo soo xiganaya la-taliye Wasaaradda Difaaca DF, ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidamada Somalia laga dhigi karo ciidamo wax-tar leh, balse uusan suuro-gal ahayn habka loo dhisayo.

“Waa sir shaacsan in xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka ay kireystaan Al-shabab si ay u dilaan ama u cabsi-geliyaan kuwa siyaasadda kula loolama,” ayuu yiri khabiirkan, isagoo xusay in tusaalaha ugu wanaagsan uu yahay Weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Dayax Hotel halkaasoo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin badan.

Warbixintu oo soo xiganaysay C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] oo kasoo noqday afhayeen iyo la-taliye Wasaaradda Amniga Somalia ayaa isna yiri; “Shaki iigama jiro in Al-shabaab ay ku dhex-jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay ku dhex leeyihiin  ‘kula-jira kaala jirayaal.”

Ugu dambeyn, Warbixnta ayaa lagu soo gunaanaday hadal uu yiri la-taliyaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia oo ahaa – Halkan hub waad ka iibsan kartaa – bulsho caalam ahaan ma aanan soo taageereeyn wax aan ahayn shabakado dambiileyaal ah.

PUNTLAND POST