Ciidamada Millateriga Itoobiya oo Jigjiga ka watay Madaxweynihii hore ee Maamulka DDSI


Jigjiga (PP) ─
Ciidamada Millateriga Federaalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta magaalada Jigjiga ka wadeen madaxweynihii xilka iska casilay ee maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida- Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.

Lama oga halka ay la aadeen, balse warar kale ayaa sheegaya inay Addis Ababa u kexeeyeen, halkaasoo lagu wado inay kula kulmaan madaxda ugu sarreysa dalkaas, laakiinse waxay kala hadli doonaan

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in horay xisbiga maamula dalkaas uu ugu yeeray Cabdi Maxmauud Cumar, balse uu dhegaha ka fureystay, lamana oga go’aanka kasoo bixi doona kulanka ay la yeelanayaan madaxweynaha xilka iska casilay.

Xisbiga haya talada maamulka DDSI ayaa shalay u magacaabay inuu si KMG ah xilka madaxweynaha ugu magacaabay, Wasiirkii maaliyadda maamulka, Axmed Cabdi Sheekh oo la sheegay inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale, Madaxweynaha KMG ah ee maamulka DDSI, ayaa hadal uu u jeediyay shacabka ku nool magaalada Jigjiga wuxuu ku sheegay in go’aanka uu xilka uga tagay uu ahaa mid isaga ka yimid, balse aanay jirin wax khasab ah oo uu xilka uga dagay.

“Mudane Cabid Maxamuud Cumar, wuxuu ahaa hoggaamiye wanaagsan oo muddo soo maamulayay deegaannadan, , isaga ayaana doortay inuu xilka ka dago, waayo ma jecelayn kursiga ee shacabkiisa ayuu jeclaa,” ayuu ku yiri madaxweynaha cusub hadal uu Telefishinka kasii daayay.

Ugu dambeyn, Xaaladda Magaalooyinka Jigjiga iyo Dirir-dhabe oo rabshado ay ka dhacayeen maalmihii u dambeeyay ayaa maanta daggan, balse lama garanayo sida uu xaalku isku bedeli doono.

PUNTLAND POST