Xubno kamid ah wasiiradii shalay la magacaabay oo maanta la dhaarshay

xubnaha wasiirada cusub ee la dhaariyay

Xubno ka mid ah wasiiradii shalay uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta xilka loo dhaariyay.

Musaasabadda lagu dhaarinayey wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey), xubnaha guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) .

Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

1. Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
2. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
3. Cabdulqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
4. Sakhar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta wasiirada cusub ayaa ku tilmaamay xubnaha la dhaariyay in ay qeyb ka yihiin dardar gelinta barnaamijyada xukuumadda.

Mudane guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix masuul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye masuuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumada” ayuu yiri Khadar.

Guddoomiyaha golaha shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa wasiirada cusub ee ka dhaariyay kula dardaarmay iney si hufan shaqadooda u gutaan.

Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri Mursal.

PUNTLAND POST