Madaxweynihii maamulka DDS Itoobiya oo is-casilay iyo mas’uul kale oo la…


Jigjiga (PP) ─
Madaxweynaha DDS Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa goor-dhaw is-casilay, iyadoo xilka madaxweynaha maamulkaas oo ay rabshado ka jiraan loo magacaabay wasiirkii maaliyadda maamulkaas, Axmed Cadi Maxamed.

Is-casilaadda Madaxweynaha muddada badan soo xukumayay maamulkan ayaa looga jawaabayaa qalalaasaha ka taagan killilka shanaad, waxaana la filayaa in isbedelkan uu sababo xasillooni dhaqso ah.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya in Cabdi Maxmauud Cumar uu cadaasi xooggan kala kulmay odayaasha dhaqanka deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, isagoo ugu dambeyn go’aansaday inuu xilka isaga dago.

Magacaabidda mas’uulka cusub ee bedeli doona madaxweynaha xilka iska casilay ayaa waxay ku timid kulan ay yeesheen guddiga maamulkaas, sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray in ciidammo millateri ah ay buuxiyeen magaalada Jigjiga.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay u muuqataa mid horseedi doonta in xaaladda magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas ay caadi kusoo laabato, maadaama kacdoonka uu dhaliyay diidmo la diidan yahay madaxweynaha xilka ka dagay.

Magaalooyinka Jigjiga iyo Dirir-dhabe ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, kuwaasoo intooda badna Soomaali ah, kaddib iska-horimaadyo dhex-maray ciidamada iyo qowmiyadaha ku nool magaalooyinkaas.

Ugu dambeyn, Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa muddo la Daalaa-dhacayay dhibaatooyin dhanka maamulka ah, kaddib markii lagu eedeeyay madaxweynaha is-casilay inuu isticmaalay awood xad-dhaaf ah.

PUNTLAND POST