Madaxweyne Gaas oo xadhiga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorshaynta

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xadhiga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madxaweynaha dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hay’ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey madaxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada dowladda Puntland.

Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hay’ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay degaannada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh dowladda Puntland.

Xadhig jarka kadib Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qaybaha ay ka koobantahay dhismaha wasaaradda, islamar’ahaantaana mid mid ugalay xafiisayada wasaaradda oo xiligaasi ahaa kuwa mashquulsan oo shaqado maalmeedkii ka socotay, sidoo kalena madaxweynaha ayaa indhaindheeyey qaabka ay u shaqadu socoto.

Madaxweynaha dowladda  oo kalmad kooban ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

 “Wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka, markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay, idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hay’ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen” ayuu yiri madaxweyne Gaas oo ka hadlayey musaasabadda xarig-jarka.

PUNTLAND POST