Ciidammo aad u hubeysan oo Gudaha u galay Dirir-dhabe iyo Xaaladeeda oo kasii dartay

Dirir-dhabe (PP) ─ Wararka laga helayo Magaalada Dirir-dhabe ee dhulka Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa shegaya in halkaas maanta lagu dilay in ka badan sagaal qof oo Soomaali ah, tiro kalena lagu dhaawacmay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Liyuu Police-ka ahaa eek u sugnaa magaaladaas ay isaga baxeen, sidoo kalena ay gudaha u galeen ciidan ka tirsan Millateriga Federaalka dalka Itoobiya, si xiisadda taagan loo joojiyo.

Magaalada Dirir-dhabe oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah eek a tirsan dhulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa waxay rabshadaha ka taagani ka billowdeen markii xiiado ay dhaceen magaalada xarunta ah ee Jigjiga.

Dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Dirir-dhabe ayaa la sheegay inay ku jireen hooyo iyo ilmo ay dhashay, waxaana dhammaantood dadka la laayay ay kasoo jeedeen dalka Jabuuti, taasoo keentay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaawaco gudaha Jabuuti.

Talyiaha booliiska Jabuuti ayaa sheegay inaysan jiri doonin cid dambe oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya lagu dhibaateeyo gudaha dalka Jabuuti, isagoo sheegay inaysan jirin cid lagu qasbayo inay Itoobiya dib ugu laabato, balse qofkii raba uu dib u laaban karo.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Qoysaska Sooaalida ah ee Dirir-dhabe ku nool, gaar ahaan kuwa deggen xaafadaha ay dadka aan ahayn Soomaalidu ku nool yihiin ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda si ay uga nabad-galaan rabshadaha socda.

Dhanka kale, Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay maanta xasiloon tahay magaaladaas, inkastoo dhallinyaro kasoo jeeda dadka kale ee aan Soomaalida ahayn ay isku urursanayaan goobo gaar ah, inkastoo aysan jirin wax isku dhacyo ah oo dhacay.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay ku xakameyso dhibaatooyinka sii kordhaya ee haatan ka jira Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya.

PUNTLAND POST