Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

Afgooye (PP) ─ Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan cidamada Dowladda Somalia ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkaan oo mas’uuliyaddiisa dusha looga tuuray Al-shabaan ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dilo taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo gaadiidkiisu ay meeshaas marayeen.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas lagu waayay laba wiil oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa Koontarool gaarigan lagu joojiyay ka hor intii uusan qarxin.

“Baabuurka qarxay waxaa watay xubno ka tisran Al-shabaab, waxayna isku dayayeen inay weeraraan gaadiid ciidan oo maray koontarool lagu joojiyay, markii la ogaaday in la fahmay ayayna is-qarxiyeen,” ayuu yiri Cali Nuur oo intaas ku daray weerarkan uu ahaa mid culus.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ahayd saldhig ku dhaw xaruntii hore ee wakaaladda biyaha Afgooye ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid culus oo xaafadaha degmada Afgooye oo dhan laga  maqlay.

“Gaadiid ciidan oo watay sarkaal ka tirsan millateriga ayaa goobta maray, wax yar kaddibna waxaan maqalnay qarax weyn oo sababay dhimashada qof rayid ah, laba askari iyo laba qof oo loo maleynayo inay gaariga wateen,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daray in dhaawacyo fara badan ay ka dhasheen qaraxa, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadooda loo qaaday Xamar si loogu daweeyo, wuxuuna qaraxan ka mid noqonayaa kuwii ugu saameynta badnaa ee Afgooye ka dhaca dhawaanahan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan, iyadoo maalmo ka hor uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa degmada Afgooye Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuu ka baaqdo safarkiisa Afgooye.

PUNTLAND POST