Muuse Biixi oo sheegay in ay ka go’antahay xabad-joojinta ka hirgasha Tukaraq

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Hargeysa kula qaatay ku-simaha Safiirka, ahna safiir-ku-xigeenka waddanka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya,Martin Dale.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo ku-simaha safiirka oo muddo saacado ah socday, ayaa diiradda lagu saaray arrimamaha colaadda ka aloosan degaanka Tukaraq ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland

Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland,Maxamuud Warsame Jaamac oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta u faah-faahiyey, ayaa sheegay in laga wada-hadlay xaaladda deegaanka Tukaraq, isla markaana madaxweyne Biixi uu safiirka u sheegay in Somaliland doonayso nabad buuxda oo degaanka Tukaraq ka hirgasha,sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha iyo ku-simaha safiirku waxa ay ka wada hadleen, xaaladda xabbad-joojinta xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq,iyada oo ay isla qaadaa dhigeen xaaladihii uu deegaankaasi soo maray iyo xaaladda xabbad-joojineed ee ay ku jirto, waxaan uu madaxweynuhu u caddeeyey safiirka inay Somaliland ka go’an tahay xabbad-joojintu, inkasta oo deegaankaasi gudaha Somaliland ku yaallo”,ayuu yiri Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay in haddii xabad-joojinta la doonayo ay hirgasho loo gudbayo in maxaabiistii dagaalka lagu kala qabtay la is-weydaarsado,islamarkaana la ogolaado in gargaarka bani’adanimo degaanka la gaarsiiyo.

  • PUNTLAND POST