Waa imisa qoondada Soomaalida Itoobiya ku yeelanayso shidaalka deegaankooda?

Ceelka shidaalka Soomaalida Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qoondada Soomaalida Itoobiya ku yeelanayso shidaalka laga soo saaray deegaankooda.

Abiy Ahmed oo Soomaali badan kula hadlayay xaflad ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa wax laga weydiiyay arinta shidaalka dhawaan laga soo saaray deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku jawaabay in kheyraadka dhulka Itoobiya uu yahay mid dadka oo dhan ay leeyihiin, hase yeeshee iyada oo aan deegaanka Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo Itoobiya boqolkiiba 5% ilaa boqolkiiba 10% lagu hormarinayo deegaanka kheyraadka laga helay, isagoo intaas ku daray in arrintaas ay ku dhaqmaan waddamo badan oo qaarada Afrika ah

Sidoo kale Abiy Ahmed ayaa sheegay in shidaalkan oo wakhti badan la baaraayay oo aan horey loo ogeyn waxa uu yahay, hadda hadii la dhaho deegaankayaga ayaa laga soo saaray oo anagaa leh ay ka dhalan karto inaan isleyno.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dhawaan ka hadlay xaflad lagu soo dhaweynayay shidaalka laga soo saaray deegaankaas ayaa sheegay mar uu ka hadlayay qoondada ay ku leeyihiin in uu jiro sharci federaalka ah oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna leeyahay 60%, midda Federaalka ay wax ku sii leeyihiin.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay in shidaalka laga soo saaray deegaanka Soomaalida maalinkasta la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

Qoondada Soomaalidu Itoobiya ku yeelanayso shidaalka laga soo saaray deegaankooda oo in dhawaale la hadal hayay waxa ay noqon karto, ayaa jawaabta Abiy waxa ay noqon kartaa mid aan dad badani ku qancin.

PUNTLAND POST