“Somaliland ayaa fulisay qaraxii xalay ka dhacay Buuhoodle” Daawo Indho-sheel

Waxaa xalay magaalada Buuhoodle lagu dilay qarax ismiidaamin ah masuuliyiin uu ka mid yahay Aqoonyahan Cabdifataax Maxamed Cali oo 29 June, 2018 wafti uu hogaaminayo oo ka yimid Muqdisho ay soo gaareen magaalada Buuhoodle islamarkaana sida la sheegay maalmo ka hor ka tagey magaalada Garoowe.

Marxuum Cabdifataax ayaa hadal uu jeediyay bilo ka hor 29 June,2018 ku sheegay qorshaha ay u tageen Buuhoodle inuu la xiriiro siday ugu baraarujin lahaayeen bulshada Gobolladda Sool iyo Cayn inay kaalintooda ka qaataan dagaalka Puntland ay kula jirto maamulka Somaliland.

Dilka marxuumkan oo dhaliyay shaki xoogan oo ku saabsan cidda ka dambeysay waxaa geystey qof ismiidaamiyay xilli uu kusoo tukadey salaaddii cishe masaajid ku yaala magaallada Buuhoodle.

Hogaamiyihii horre Khaatumo Maxamed Yuusuf Indho-sheel oo Garoowe ku sugan ayaa ku eedeyay maamulka Somaliland inuu ka dambeeyay falkii xalay lagu dilay masuuliyiin Hormuud u ahaa Halgan looga saarayo Somaliland gobolka Sool, wuxuuna sheegay sababta loo beegsadey inay tahay mab,da iyo dadaaladda ay ugu jireen qadiyaddaan.

Wuxuu intaas ku darey Indhosheel inay hayaan cadaymo la xiriira qorshe Somaliland laga soo abaabulay oo lagu doonayo in lagu khaarajiyo isaga iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa marxuumkii xalay lagu dilay qaraxii ugu horeeyay abid oo ka dhaca magaaladda Buuhoodle.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST