Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay booqashadii Khayre ee Puntland

Booqashadii Khayre ee Puntland

Booqashadii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu hogaaminayay ku yimaadeen Puntland ayaa waxaa ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Puntland iyo dowladda Federaalka.

Khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa ka dhashay markii Ra’iisul wasaare Khayre ka cudur daartay ka qeyb galka Dekad laga dhagax dhigayay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Sababaha Ra’iisul wasaare Khayre uga cudur daartay dhagax dhiga Dekada Garacad ayaa ilo wareedyo madax bannaan sheegeen in ay la xiriirto cadaadis ka dhashay cabasho ka timid Galmudug iyo xildhibaano Federaalka ah, kuwaas oo sheegay in Garacad kamid tahay deegaano ay ku muransan yihiin Galmudug iyo Puntland iyo in Dekad kale oo Mudug laga dhagax dhigaa ay caqabad ku noqonayso tan Hobyo oo uu horay u dhagax dhigay Madaxweyne Farmaajo.

Khilaafkaas kadib Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay booqday magaalada Qardho oo ay kula kulmeen Issimo uu kamid yahay Boqor Burhaan, halka Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ay shalay Garacad ka dhagax dhigeen Dekad, waxayna xalay labada wafdiba dib ugu soo laabteen Garowe mana jirin kulamo iyo is arag dambe oo dhexmaray madaxda Federaalka iyo Puntland.

Dhanka kale khilaafkaas ayaa wararka qaar sheegayaan in uu baajiyay shirkii Golaha wasiirada dowladda Federaalka oo Khamiista berri ah ka dhici lahaa magaalada Garowe, iyadoo waliba ay maanta Garowe yimaadeen qaar kamid ah Golaha wasiirada Federaalka oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka, sidoo kale waxaa caawa la baajiyay xaflad lagu xusilahaa 1-da Agoosto oo ku beegan 20 sano guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland, taas oo qorshuhu ahaa in uu ka qeyb galo Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisu.

Sidoo kale warar aan helayno ayaa sheegaya in berri haddii uu qabsoomi waayo shirkii wasiirada Federaalka wafdigii Ra’iisul wasaare Khayre iyo kuwii maanta yimiba ay ku laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul wasaare Khayre ee Puntland ayaa la sheegay in ay markii hore daarnayd saddex arrimood oo kala ah dhagax dhiga Dekada Garacad, ka qeyb galka sanad guurada 20-aad ee asaaskii Puntland iyo Garowe oo lagu qabto shirkii khamiislaha Golaha wasiirada Federaalka, balse majiro mid ilaa hadda suuragalay.

Labada dhinac Federaalka iyo Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin khifaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay.

PUNTLAND POST