Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Gobolka Sh/Hoose.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan goordhow Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoos ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Amaanka Degmada Afgooye ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi tagay ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya oo sugaya Amaanka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doono Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada Dowlada ee deegaankaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo gaaraya Magaalada Afgooye si uu kulamo u la qaato Madaxweyne Farmaajo.

Degmada Afgooye ayaa waxaa  mararka qaar ka dhaca weeraro ay soo qaadaan, Al-Shabaab waxyana mararka qaar ay la wareegaan qeyb kamid ah gacan ku heynta Degmada Afgooye oo 30-KMG u jirta Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post ,Muqdisho