Issimada Nugaal oo marti-qaad u sameeyay Ra’iisul wasaare Khayre

Issimada Nugaal iyo ra’iisul wasaare Khayre
Issimada gobolka Nugaal ee Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta marti-qaad u sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdigii uu hagaaminayay.

Marti-qaadka oo ka dhacay goobta loo dalxiiska tago Garowe ee Dareyle ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Camey, guddoonka Baarlamaanka Puntland, goloyaasha Puntland iyo marti sharaf kale.

Marti-qaadkii ay sameeyeen Issimada Nugaal

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo marti-qaadka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ugu horeyn soo dhaweentii diiraneyd ee shalay ay u sameeyeen shacabka caasumada Puntland ee Garowe, isla markaana uu ka mahad celinaayo isaga oo ku hadlaya afka dhammaan wafdiga la socday marti-qaadkan ay u sameeyeen Issimada Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale booqan doonaa magaalooyin kale oo Puntland ah.

PUNTLAND POST