Somaliland oo xaqiijisay wareysigii maxaabiista Puntland ee ku xiran Hargeysa

Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Cali Xasan Cawil oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah warbaahintu la hadashay maxaabiistii Somaliland ay ku qabatey dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo uu sheegay inaysan waxba ka jirin eedeymaha maxaabiistu ay usoo jeediyeen maamulka Somaliland iyo dhibaato loogu geysto xabsiga Hargeysa.

Wuxuu sheegay inay subaxnimaddii horre ee saaka ku booqdeen xabsiga Hargeysa isaga iyo qaar ka mid ah eheladda maxaabiistaas, Islamarkaana ay su,aaleen sababta ku kaliftey warbaahinta inay u gudbiyaan xog aan sax ahayn,Isagoona ku sifeeyay eedeymaha maxaabiistu usoo jeedisay kuwo ujeedadoodu tahay sidii loogu ogolaan lahaa maandooriyaha la yiraahdo qaadka oo uu sheegay mamnuuc inuu ka yahay xabsiyadda Somaliland.

Taliyaha ayaa intaas ku darey sabtida soo socota xabsiga hargeysa in loo fasaxi doono wakiilo ka socda beesha caalamka iyo Hay,adda xuquuqul iinsaanka iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha maxaabiista si ay ugu kuurgalaan macluumaad ku saabsan xaaladda bini,aadamtinimo oo la sheegay inay ka jidho Xabsigaas.

Maalin ka hor Warbaahinta PUNTLAND POST waxay baahisay wareysi ku saabsan xaaladda maxaabiista kasoo jeeda Puntland ee ku xiran xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa ka dib markey xiriir telefonka lasoo sameeyeen Wariye Abshir Dhiirrane oo ah tafatiraha warbaahinta PUNTTLAND POST. Riix halkaan wareysigii maxaabiista.

Maxaabiista ayaa wareysigoodii ku sheegay inay ku jiraan xaalad ka baxsan hab dhaqanka maxaabiista iyo bini,aadamtinimada ka dib markey ku eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo si joogto ah ugula kaca falal isugu jira Jirdil,Handadaad,Caafimaad xumo,Nadaafad daro,Cunto la,aan iyo Dhibaatooyin kale.

Isku soo wada duuboo hadalka kasoo yeeray Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland wuxuu daaha ka feyday wareysi telefonka ku dhexmarey qeybo ka mid ah warbaahinta Somalida iyo maxaabiista Puntland looga qabtey dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo 12 ka mid ah sidey sheegeen lagu ciqaabo xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa.

 

Abshir Dhiirrane

PUNTLAND POST