Wareysi:-Somaliland oo lagu ciqaabo maxaabiis u dhashay Puntland

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa soo gudbinaysa wareysi ay la yeelatey askari ka tirsan 14 maxaabiis ah oo ay Somaliland uga qabatey Puntland dagaaladdii ku dhexmarey deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ka dib xiriir telefonka oo uu lasoo sameeyay mid ka mid ah maxaabiistaasi Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane.

Maxbuuskaan oo diiday magaciisa warbaahinta in laga sheego sababo kala duwan awgood wuxuu sheegay jirdil,hanjabaad iyo dhaqamo kale oo joogto ah in loogu geysto xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, taas oo uu ku sifeeyay inay tahay xaalad ka baxsan bini,aadamtinimada iyo sharciga caalamiga ee maxaabiista.

Hay,addaha xuquuqul iinsaanka iyo kuwa qaabilsan shuruucda maxaabiista ayuu u direy fariin uu uga codsanayo inay u kuurgalaan tacadi uu sheegay maamulka Somaliland inuu geysto maxaabiis kasoo jeeda deegaanada Puntland gaar ahaan 12 askari oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa oo ah xarunta maamulka Somaliland.

Somaliland iyo Puntland ayaa horey u sheegay dagaalladdii ku dhexmarey deegaanka Tukaraq oo ay weli  isku horfadhiyaan ciidamo hubaysan oo kala taabacsan inay ku kala qabsadeen maxaabiis ciidan, balse ma jirto ilaa iyo hadda xog dhamaystiran oo laga hayo xaalada ay ku sugan yihiin iyo sida loola dhaqmo maxaabiista labada dhinac kala haystaan.

Haddaba hoos ka dhageyso wareysiga Abshir Dhiirrane uu kula yeeshay telefonka maxbuuska kasoo hadlaya xabsiga Hargeysa.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST