Micheal Keating oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo

Xog-hayaha Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow oo saaka ah ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigaan ayaa waxaa ku jira Taliyaha ciidamada Milatariga General Gorod kuwaasi oo tagaya Gaalkacyo.

Qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Qaramada Midoobay iyo dowlada Soomaaliya ayaa ka jirta Gaalkacyo.

Si wada jir ah maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa u soo dhoweeynaya wafdigaan maanta tagaya Gaalkacyo.

Keating iyo Taliye Gorod ayaa booqan doona goobo kala duwan oo magaalada Gaalkacyo ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post