Wararka naga soo gaaraya Magaalo Xeebeedka Baraawe Gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Galinkii dambe ee Galabta ay Madaafiic ku weerareen Markab Taagnaa Xeebta magaaladaasi.
Markabkaan ayaa la sheegay in saanad ciidan uu u siday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Dadka deegaankaasi ayaa ku waramaya in madaafiic dhowr ah ay Al-Shabaab la bartilmaameedsadeen Markabkaasi lamana oga qasaare in uu soo gaaray iyo inkale.
Ciidamada AMISOM ayaa jawaab cilin ka bixiyay hoobiyaashaasi iyaga oo Madaafiic ku riday goobaha ay ka soo dhaceen madaafiicdaasi.
Al-Shabaab ayaa waxa ay ku suganyihiin meel aan sidaasi uga fogeeyn Magaalo Xeebeedka Baraawe Waxaana magaaladaasi ay xarun ama caasimad u tahay maamulka Koonfur Galbeed inkastoo uu maamulkaasi ku shaqeeyo hadda Baydhabo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post