Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay,saddex kalena waa ku dhaawacantay,qarax gaari oo saaka ka dhacay meel u dhow taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Haweeney iyo laba wiil oo ay dhashay ayaa la sheegay in qaraxa loogu xiray gaarigooda oo marayay agagaarka Daljirka Dahsoon,waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah wiilasha oo gaariga darewal ka ahaa,halka ay ku dhaawacmeen labadii qof ee kale.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxan mid kamid ah dadkii wadada marayay,sida ay sheegeen goobjoogayaal,taasoo tirade dhaawacyada ka dhigaysa saddex ruux.

Ciidamada amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan baaritaan ka wada goobta qaraxu ka dhacay,waxaana saraakiishu sheegeen in ay gadaal ka faahfaahin doonaan sida wax u dhaceen.

 

PUNTLAND POST