Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Afrika

Wararka ka imaanaya dalka koonfur Afrika ayaa ku waramaya in Muwaadin Soomaaliyeed xalay lagu dilay Magaaladda Cape Town ee dalka koonfur Afrika.

Husein Barrow Mohamed, ayaa xalay lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka, ayaa allaha u naxariistee waxaa rasaas Wadnaha kaga dhuftay Tuugo madow ah xilli uu kasoo dagay gaari islamarkaana uu doonayey inuu galo dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Kwzakele oo hoos tagta PE, sida uu xaqiijiyay Luqman Ali Kafow oo ka mid ah Ganacsatada deegaanka oo ay si weyn isku yaqaaneen Marxuumka.

Inkastoo uu jiro baaritaan ay Police-ku wadaan, misana dableyda falkani gaysatay ayaa durbaba goobta ka baxsaday, lamana sheegin wax dhac ah ama khasaaro kale ah oo halkaasi ka dhacay.

48-saac ka hor ayey aheyd markii Ala ha u naxariistee Cabdi Muxudiin Jimcaale lagala dagay gaari Caasi ah kadibna lagu toogtay Khaliija Magaaladda Cape Town.

PUNTLAND POST