Muuse Biixi oo ka hadlay shirkii Brussels iyo ka qeyb galkii Faysal Cali Waraabe

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay shirkii Soomaalida ee dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka iyo cidii uga qeyb gashay.

Muuse Biixi  ayaa sheegay in shirkii Brussels loo qabtay Soomaaliya, dawladaha qabanayeyna ay aaminsan yihiin Soomaaliya in ay tahay mid, qaabkii loo qabanayeyna ay  isku afgaran-waayeen.

“Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay, shirkaa waxa la yiri waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yiri lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga haraynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa  shaaciyey inay yaab iyo amakaag ku noqotay tegitaankii madasha shirka ee guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib loogu noqdo.

“Iyadoo arrintu halkaas taagan tahay ayaa waxaa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogayn oo nagalamuu tashanin, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo ciddii la socotayba amakaag bay nagu noqotay, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya oo ku mahadsan, xaqna waxa ay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,” ayuu  markale yiri Muuse Biixi.

Shirkii Soomaalida ee Brussels ayaa waxaa Somaliland ku matalayay Faysal Cali Waraabi iyo Cali Khaliif Galeyr, waxayna la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay kala hadleen arimaha Somaliland.

PUNTLAND POST