Eedeysane la sheegay inuu filimaanta u duubi jiray Daacish oo Maxkamad lasoo Taagay

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka qalabka sida ee Somalia, ayaa maanta billowday dhageysiga Dacwad loo heysto ruux lagu eedeeyay inuu Kooxda Daacish u duubi jiray muuqaallada dilalka ah, kaasoo bishii Abriil ee Sannadkan laga soo qabtay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Eedeysanahan oo lagu magacaabo, Jaamac Xuseen Xasan ayaa xilliyo kala duwan ka kala tirsanaa Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, waxaana laga soo qabtay meel uu miino ku aasayay oo lagu magacaabo Bood-Boodka oo ku dhaw Afgooye.

Xafiiska Xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan ku soo oogay dambiyo kala duwan, waxaana maxkamadda la horkeenay qalab ay ka mid yihiin; kaamirooyin iyo agab kale oo laga soo helay gurigiisa, kaddib markii ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale, Waxaa maxkamadda lagu soo bandhigay caddeymo ay ka mid yihiin Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal ay ka mid ahaayeen ciidamada Amniga ee kasoo qabtay Degmada Afgooye, muuqaalo laga helay gurigiisa oo ay ku jireen dad la dilay, fiillooyin iyo batariyaal.

Dhanka kale, Ruuxan ayaa lagu soo eedeeyay inuu dil ka geystay magaalada Boosaaso iyo Dagaallo uu ka qayb-galay oo ka dhacay gobolka Bari ee Puntland.

Dhageysiga iyo dacwada kaddib, ayaa Xeer-ilaaliyeyaasha waxay soo jeediyeen in eedeysanahan lagu fuliyo xukunnada qodobada ay kusoo eedeeyeen, waxayna sheegeen in nooca duubista dilalka ay geysato Daacish uu yahay mashruuc aan diin ahayn.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamdda darajada koowaad ee ciidamada qalaabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxaana u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.

PUNTLAND POST