Booliska Garowe oo cabanaya, dhaliilna u jeediyay culumada

Taliye Faarax Galan-gooli

Booliska gobolka Nugaal ayaa ka hadlay carqabado dhowr ah oo ka heysta wax ka qabashada amniga caasimada Puntland ee Garowe.

Taliyaha Booliska qaybta gobolka Nugaal Faarax Warsame Galan-gooli oo warbaahinta shalay kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay haystaan carqabado badan oo ay kamid yihiin duruufo dhaqaale, gaadiid iyo shidaal.

Sidoo kale Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ayaa sheegay in amni xumada magaalada Garowe ay qeyb ka yihiin ciidamo beeleedada la soo u ruuriyay ee jooga magaalada.

Dhanka kale Taliye Galan-goole ayaa dhaliil u jeediyay culumada magaalada Garowe, wuxuuna sheegay  in dad Booliska weeraray oo dhaawac u geystay markii cumumada loo gubiyay kiiskoodii dambigii ay saareen askartii waxka qabatay.

Bilihii u dambeeyay waxaa shacabka Garowe uu ka cabanayay dhalinyaro hubeysan oo dhac geysta habeen iyo maalinba, kuwaas oo mararka qaar shacabka u geysta dhibaatooyin ay kamid yihiin dhaawacyo.

Hoos ka daawo Taliyaha oo arimahaas ka hadlaya

PUNTLAND POST