Puntland:- Al-shabaab oo la wareegay tuulada Af-rurur

Tuulada Af-urur
Al-shabaab ayaa la wareegay tuulada Af-urur oo koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa shaacisay in saaka ay si nabad ah kula weegeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari, oo horey fariin u ahayd ciidamo ka tirsan Puntland.

Ciidamadii Puntland ee ku sugnaa tuulada Af-urur oo kaabiga ku haysa buuraleyda Galgala ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay shalay galinkii danbe halkaas ka baxeen, kadib gadood ka dhashay mushaar la’aan, oo mudooyinkiii dambe ay ciidamadu aad uga cabanayeen.

Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin qabsashada Al-shabaab ee tuulada Af-urur iyo ka bixitaanka ciidankooda.

Al-shabaab ayaa sanadkii hore weerar gaadmo ah oo khasaare badan dhaliyay ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku la haayeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari.

Qabsashada Af-urur ee Al-shabaab ayaa ku soo aadaysa iyadoo Puntland dagaal kaga furan yahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

PHNTLAND POST