Faahfaahin sababta Alshabab u suurto galisay qabsashada tuulada Af-urur.

Cabasho la xiriirta xuquuq ayaa sida la sheegay sabab u ahayd kooxda Alshabab inay si nabadgalyo ah saaka ula wareegto tuulada Af urur ka dib markey xalay soo baneeyeen halkaas ciidamo ka tirsan dowladda Puntland sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah saraakiisha ciidankaasi..

“Ciidanka saldhigaas soo baneeyay wuxuu awal-ba qabey cabasho ku saabsan mushahaar bil dhaaf ah iyo arrimo kale oo ku saabsan hoos u dhig tiro ka mid ah ciidanka oo ay dowladdu uga jartey xuquuq raashin”sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan ciidamada buuraha Galgala oo telefonka kula hadlay PUNTLAND POST.

Dhinaca kale warbixin kasoo baxdey kooxda Alshabab waxaa lagu sheegay inay saaka si nabadgalyo ah ula wareegeen tuuladda Af-urur oo ka mid ah deegaanada saldhigyo waaweyn oo ciidan ay ku lahayd dowladda Puntland.

Maaha markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Puntland ay ku dhaqaaqaan arrimo quseeya gadood ciidan.

Bosaso
PUNTLAND POST