(Dhegeyso)Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacisay Imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maantay soo bandhigtay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad ee dugsiyada Sare ee Puntland.

Agaasimaha Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Axmed Maxamuud Warsame Axmed Saahid oo akhriyey natiijada Imtixaanka ayaa sheegay in wasaaraddu ay guul weyn ka gaartay hanaanka Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa hambalyo u diray dhamaan ardayda gashay imtixaanka ee qalin jabiyey waxaana uu kula dardaarmay inay waxbarashada sii wadaan.

Halkaan Hoose ka dhegeyso codka.

 

Puntlandi.com