Baarlamaanka Puntland oo shaqadii ka joojiyey Hay,ada shaqaalaha Rayidka ah.

Baarlamaanka Puntland oo ku jira kalfadhiga 41-aad ayaa fadhigiisa 13-aad ka dooday habka shaqaalaynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdixamiid sheikh Cabdisalaan ayaa sheegay in dood dheer kadib ay baarlamaanka Puntland isku raaceen inaysan hay,ada Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland haysan wax sharciyad ah.

Golaha ayaa kala diray Hay,ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxaana dalbadeen i si degdeg ah sharciyadeeda loo sameeyo markaa kadibna Madaxweynuhu soo magacaabo Masuuliyiinta Hay,ada.

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdi Salaan ayaa intaa ku daray in shaqada hay,adu ay qaban jirtay la hoos geeyey Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland.

Hay,ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland ayaa waxaa soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaana hay,adaan lagu soo eedeeyey musuqmaasuq baahsan iyadoo ay shacabo badani ka jirtay habka lagu shaqaalaysiiyo shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Halkaan Ka dhegeyso warbixin.

Puntlandpost.net