Yaa uga qeyb galay Somaliland shirka Brussels?

Magaalada Brusells ee xarunta Midowga Yurub  ee dalka Belgium-ka waxaa shalay ka furmay shrikii iskaashiga Beesha caalamka iyo Soomaaliya oo looga hadlayo siyaasada, kaalmada bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud kala socota dawladda federaalka, Puntland , Somaliland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed,  Hirshabeelle, wakiillada Beesha caalamka iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ee Soomaalida.

Somaliland oo horey u sheegtay in lagu marti qaaday shirkan, balse aysan ka qeyb galayn ayaa u dirtay Brusells guddoomiye  xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe iyo  Cali Khaliif Galaydh oo horey ula galay heshiis in ay ku matalaan shirkaas.

Faysal iyo Danjire Fiqi

Faysal Cali Waraabe  guddoomiye  xisbiga mucaarad Ucid  ee Somaliland oo 15 bishan July gaaray magaalada Brusells ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi, sidoo kale Cali Khaliif Galaydh ayaa xalay gaaray  Brusells, wuxuuna ku biiray wufuuda ka qeyb galaysa shirka, sidoo kale waxaa ka qaabday shirkaas Pro. Axmed Ismaaciil Samatar oo qorshuhu ahaa in uu ka qeyb galo.

Faysal Cali Waraabe oo Brusells kula hadlay warbaahinta shalay ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay inay kala hadlaan dowladda federaalka iyo Beesha caalamka sidii uu sii socon lahaa mashruucii Special Arrangement ee Beesha caalamku sida gaarka ah  kula macaamili jirtay  Somaliland.

Faysal Cali Waabe oo ay aad isugu dhowyihiin Muuse Biixi horeyna uga qeyb galay shirar uu ku matalayay Somaliland ayaa loo arkaa ka qeyb galkiisa shirka Soomaalida Brussels in Somaliland ay si toos ah uga qeyb gashay, waxaana la aaminsan yahay in ka qeyb galka shirkaas ku khasbay go’aankii dhawaan dowladda federaalka Soomaliya ay Beesha caalamku kaga codsatay in la joojiyo deeqaha sida gaarka ah loola macaamilo Somaliland.

Shirka Brussels oo daba socday shirar horey uga dhacay London iyo Muqdisho waxaa shalay shir guddoominayay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaana kamid ahaa arimaha looga hadlay  amniga Qaranka, siyaasad loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiska kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020, dib-u-habeyn lagu sameeyo dastuurka iyo xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha.

Sidoo kale shirka maanta oo uu shir guddoominayo Madaxweyne Farmaajo ayaa looga hadli doonaa maalgashiga, barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliya, maalgashato caalami ah, hay’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ee Soomaalida.

Maanta oo Tallaado ah ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka Brussels, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku aadan wixii laysku afgartay.

PUNTLAND POST