Shirka Brussels oo la sheegay inuu Xaqiijiyay Horumarka Ballaaran ka jira Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ayaa sheegay in beesha caalamku ay aad u soo dhoweeyeen una xaqiijiyeen horumarka ballaaran ee dalka ka jira, iyadoo la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in mudadii 10ka sano ee uu siyaasada ku soo jiray ay tahay markii ugu horreysey oo beesha caalamku ay si wadajir ah u waafaqeen horumarka jira ee dhanka maamulka iyo maaliyada, amniga, u diyaar garowga doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sida loogu baahanahay in Soomaaliya maalgeshi xoogan loo helo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shir guddoominayey shirka SPF ayaa sheegay in Dowladiisu ay ka go’antahay dardargelinta horumarka jira si shacabka loogu adeego loona gaarsiiyo doorashooyin hal-cod iyo hal qof ah oo talada loo celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Yariisow oo shalay shirka amniga khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey horumarka caasimada ee dhanka amniga, sida shacabka ay maalin walba ugu tallaabsanayaan horumar joogta ah oo dhan walba ah, sheegeyna adkeysiga shacabka inuu yahay kan keena horumarka. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey barnaamijka sugidda amniga caasimada Muqdisho, isagoo u mahadceliyey hay’adaha amniga iyo shacabka oo kaalin weyn ka geystay sugidda amniga, iyadoo maamulka gobolka Banaadir hirgeliyey barnaamijka dariseynta oo shacabka, maamulka iyo hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir uu diyaariyey Qorshaha Horumarinta Caasimada, Siyaasada Barakacayaasha, Qorshaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, hirgelinta doorashooyinka 2020ka ee dowladhaa hoose iyo hirgelinta qorshaha sugida amniga caasimada. Horumarka jirana u baahanyahay in la joogteeyo iyadoo bulshada laga qeybgelinayo wadatshiyada iyo ka qeyb qaadashada horumarka caasimada iyo kan guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay AMISOM isku afgarteen in Garoonka Muqdisho la baneeyo oo la rajeynayo in tartanka cayaaraha Gobolada ee dhammaadka sanadka lagu qaban doono. Sidoo kale Yarisow ayaa sheegay in la bilaabi doono dayactirka garoonka iyadoo lagala shaqeynayo Wasaarada Isboortiga.

PUNTLAND POST