Aminiga Garowe, fadhiidnimada Booliska iyo dhaqaalaha ku baxa amniga caasimada

Garowe waa caasimada Puntland, waa magaalo laga sawirto horumarka iyo dib u dhaca hadba ka jira degaanada Puntland, magaaladan ayaa si xawli ah u koraysay sanadihii danbe iyadoo  ku faaftay dhinac walba, koritaanka Garowe waxaad dareemi kartaa markii aad mudo kooban ka maqnaatid.

Amaanka caasimada Puntland ayaa ah si guud mid aad u wanaagsan, waxayna kamid tahay magaalooyinka ugu nabad galyada fiican Soomaaliya hadaysanba ahayn magaalada kowaad, waana magaalo ka nabad gasha qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka socda qaybaha kale ee Soomaaliya.

Nabad gelyada ka jirta Garowe sababteeda ugu weyn waxaa leh bulshada  ku nool magaaladan oo ah kuwa ay ka go’an tahay inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyagoo meel uga soo wada jeedaa cid kasta oo ay u arkaan inay khal-khal ku abuuri karto amaanka caasimada Puntland.

Maxaa maalmahan iska badelay amaanka Garowe?

Maalmihii u danbeeyey waxaa dadweynaha ku nool Garowe ay khaati ka taagnaayeen dhalinyaro u socota koox-koox oo moobilada iyo waxa ay wataan ka furnaaya dadweynaha, dhalinyaradan oo ku hubaysan tooray iyo mindiyo ayaa xitaa hada bilaabay inay dadweynaha maalinka cad moobilka kaga furtaan bartamaha magaalada, waxaana xiligan kusoo kordhay dhaliyaro gawaari wadata sida mootada loo yaqaan Bajaajta iyo gaariga Probox.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo arintan u kuur gashay ayaa ogaatay in xaafad walba oo Garowe ku taal ay dadweynaha siiba gabdhaha ay ku adkaato inay kasoo danaystaan meel  banaanka ka ah guryahooda.

Dhalinyaradan ayaa mararka qaar dhibaatooyin ay dhaawacyo iyo jirdil kamid yihiin u geystaan xiliyada ay dadka furanayaan, waxbana kuma ahan inayba qofka nafta ka qaadaan.

Maxaa sabab u ah amaan xumada kusoo siyaadey Garowe?

 Sababta ugu weyn ayaa ah Booliskii loogu tala galay sugida amaanka caasimada oo ahayn kuwo sidii looga baahnaa u shaqaynaaya, waxaana jirin gabi ahaanba roondadii ay ciidamadu hameenkii ku samayn jireen xaafadaha kala duwan ee magaalada, sidoo kale waxaa habacsanaan aad u weyn laga dareemayaa gudigii nabad galyada oo ay hormuud u yihiin gudoomiyaha gobalka Nugaal, duqa caasimada iyo taliyaha qaybta booliska gobalku, ciidamadii nabad galyada ayaa noqday kuwo fadhiid ah oo fiidka hore bar kantarool dhigta wadada laamiga ee marta bartamaha magaalada mudo yar kadibna ka kala hurda doonta.

Lama oga waxa sababay habacsanaanta iyo fadhiidnimada ka muuqata hay’adihii nabad gelyada magaalada Garowe waxayse kusoo aadaysaa xili masuuliyiintii arimahan u xil saaraa oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobalka Nugaal ay ku mashquulsan yihiin arimaha degaanka Tukaraq iyo collaadaha ka aloosan gobalka Sool.

Wax yaabaha kale oo loo sababaynaayo waxaa kamida fariisimaha booliska oo ah kuwo aad u yar iyo magaalada oo aad u balaaratay, Garowe waxaa ku yaal oo keliya sadex saldhig boolis oo kala ah saldhiga dhexe, saldhiga bariga magaalada iyo saldhiga koofureed oo ku yaal kantaroolka magaalada laga soo galo, waxaa sidoo kale gabi ahaanba meesha ka maqan wada shaqayntii booliska iyo dadweynaha, iyadoo xiliyadii hore ay laamaha nabad gelyadu samayn jireen isku xir iyo wada shaqayn kala dhaxaysa dadka ku nool xaafadaha iyadoo ay boqolkii guribana ka jiri jireen gudiyo  si joogta ah u wada xiriiraan hay’adaha nabad galyada, halka ay iminka adag tahay inaad heshid telefoon aad kala hadashid Booliska wada shaqayniba ha joogtee..

Xagee ayey aadaa dhaqaalaha lagu bixiyo amaanka caasimada?

Sida ay ogaatahay warbaahinta PUNTLAND POST waxaa bil walba si joogta ah loogu bixiyaa ku dhawaad toban kun oo doolar roodaynta iyo sugida nabad gelyada, waxaana naloo xaqiijiyey inay kharashaadkan si joogta ah uga baxaan khasnadaha Dawlada lamana oga waxa lagu bixiyo dhaqaalahan hadiiba wixii loogu tala galay sidan looga ardan yahay.

Gabagabadii Garowe waa muraayadii Puntland waxaana loo bahan yahay in mar walba ay noqoto magaalo lagu barto xasilooni iyo horumar, waana in iyadoo lawada socda Dawlada, dadweyne iyo waarid wax laga qabtaa dhalinyaradan dhibaatada ku ah amniga caasimada.

PUNTLAND POST