Shir looga hadlayo Horumarka iyo Amniga Soomaaliya oo Maanta ka furmaya Brussels

Brussels (PP) ─ Madaxweynaha Somalia iyo kuwa mamaul-gobaleedyada daka, ayaa waxay wada gaareen xarunta dalka Belgium ee Brussels, si ay uga qayb-galaan sirka caalamiga ee maanta ka furmaya magaaladaas.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya hoggaamiyayaal ka kala socda dowladaha taageera Somalia iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga iyo Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo dublamaasiyiin kala duwan.

Inta uu socodo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalladaha Amniga, horumarka, geeddi-socodka AMISOM iyo doorashadda Somalia ee 2020-ka oo la qorsheynayo inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobaleedyada ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah ugu soo bandhigaan shirkaas qorshayaal dhinaca ammaanka Somalia iyo dib-udhiska ciidamada Qaranka la xiriira, waxayna beesha Caalamka ka codsan doonaan malaayiin Doollar oo dib loogu dhisayo ciidanka Qaranka, si ay hawl-galka AMISOM ugala wareegaan sugida amniga iyo deggenaashaha Somalia.

Sidoo kale, Shirka Brussels ayaa lagu falan-qeyn doonaa tallaabooyinka lagu taageerayo ammaanka iyo xasiloonida iyo horumarka Somalia, iyadoo lasoo warinayo in dhaqaalaha lagu taageerayo arrimahaan si weyn looga doodi doono inta uu shirku socdo.

Dhinaca kale, Bishii May ee la soo dhaafay shirweyne ka dhacay magaalada Brussels waxay dowladaha Midowga Yurub ballan-qaadeen 100-milyan oo Euro oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn, shirkan caalamiga ee maanta ka furmaya Brussels, waxaa lagu lafa-guri doonaa natiijooyinkii kasoo baxay kulankii ugu dambeeyey ee golaha amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Baydhabo.

PUNTLAND POST