Buubaa oo sheegay in Muuse Biixi ka codsaday inuu la hadlo reer Puntland

Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey kulan dhawaan dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo uu sheegay inay arimo badan ku faaqideen.

Siyaasi Buubaa wuxuu tilmaamay in arimihii ay kawada hadleen Madaxweyne Muuse Biixi ay kamid ahaayeen sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayna isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Siyaasigan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka codsaday inuu la hadlo dadka ay iska garanayaan degaanada Puntland si xal loogu helo xiisada gobalka Sool, wuxuuna tilmaamay inuu madaxweynuhu codsigan usoo gudbiyey maadama ay jiraan dad badan oo reer Puntlandna oo ay soo wada shaqeeyeen marar kala duwan uuna dad badan ka garanaayo degaanadaas.

Buubaa ayaa baaq nabadeed u diray ciidamada isku hor fadhiyo gobalka Sool, wuxuuna ka codsaday inay joojiyaan dagaalka ayna iskugu yimadaan miiska wada hadalka si loo baajiyo dhiig daata, isagoo dhanka kalena iftiimiyey inay arintan dadaal nabadeed ka geli karaan Dawadaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Dhanka kale Siyaasi Buubaa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sidoo kale kala hadlay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday degaanka Gacan libaax ee sida aadka loogu cambaareeyey xukuumada Muuse Biixi iyo sidoo kale isbadelka ka dhacay Itoobiya oo uu sheegay inay saamayn weyn ku yeelan doonto Somaliland.

PUNTLAND POST