Xisbiga Waddani oo Muuse Biixi ku eedeeyay xal la’aanta dagaalka Tukaraq

Siyaasi Cabdullaahi Dahab oo ka tirsan xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa dhaliilay hannaanka xukuumadda Muuse Biixi u maaraysay colaadda ka aloosan degaanka Tukaraq iyo siyaasadda arrimaha debadda ee Somaliland.

Cabdullaahi Dahab ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu amray dagaal qorshe la’aan ah,dabadeedna uu beesha caalamka ka diiday,xalkii nabad looga dhalin lahaa colaadda Tukaraq,balse markii xaaladdu sii xumaatay uu miciinsaday ergo qabiilaysan oo nabad ka raadiya dhinaca Puntland,sida uu hadalka u dhigay siyaasigan.

Mudane Dahab wuxuu sheegay in ergo-qabiileedka Muuse Biixi u diray Puntland ay la shir tageen hadal aan qaban meesha oo ah in qabiilkoodu ka wakiil yahay Somaliland,islamarkaana ay sidaas nabad ku raadinayan,taasina ay ku soo hungoobeen.

“Waad ogtihiin,ergo qabiil oo qabiilaysan oo weliba runtii qabiilkii ballaadhnaa ee dhibku ku dhacay ee halkaa degganaa aanay ku jirin ayaa loo diray Puntland. Waxay la tageen hadal aan qaban meesha oo ah in ay iyagu ka wakiil yihiin Somaliland nabadna doonayaan,waa wax cajaa’ib ah weeye,waad maqasheen jawaabta la siiyay”,ayuu yiri Cabdullaahi Dahab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ergo-qabiileedkii madaxweyne Biixi u diray dhinaca Puntland ee ku soo hungoobay ay haddana xalka colaadda Tukaraq ka raadiyeen,magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay.

“Guddigii ay halkaan ka dirtay ee Puntland tegay ee aan laga soo dhoweyn ee sidaad ogaydeen loola hadlay Muqdishuu joogay maanta,waa waxyaalaha innagu cusub ee ugubka ah ee aynu sheegayno ee qaranka ku cusub”,ayuu sii raaciyay Mr.Dahab.

Xukuumadda talada haysa ee Muuse Biixi ayuu sidoo kale ku tilmaamay “mid baryootan kaga jirta” dagaalka ka aloosan Tukaraq ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland,taasoo uu sheegay in ay dhaawac weyn ku tahay sumcadii iyo karaamadii lagu yaqaannay Somaliland.

Siyaasigan ayaa dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu wefdi aan cidna  lagala  tashan u diray shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya”gol-daloolladu waxay ka imaanaysa, iminka taladii baan jirin,taladii qaranku wada-lahaa meesha way ka baxday. Ma garan karno sida hadda wax u socdaan. Brussels waad ogtihiin shir baa ka jira,xukuumaddu cid bay u dirtay oo wefdi bay u dirtay”.

Mar uu ka hadlayey siyaasadda arrimaha debadda Somaliland, ayuu sheegay in xukuumadda madaxweyne Biixi uu albaab kasta ku soo xirmay,kadib markii madaxweyne Biixi uu ku fashimay hannaanka loo wajahayo siyaasadda arrimaha debadda iyo la-macaamilka dalalka caalamka.

Ugu dambaytii, siyaasigan ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ku taliyay, in talada Somaliland si wadajir ah looga tashado,haddii aan sidaa la yeelina Somaliland ay burbur ku sii socoto,islamarkaana midnimadeedii wiiqmayso,sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee uu arrimahan uga hadlay

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar